Benzema oo aamusnaanta jabiyay: "Waxaan joogaa Madrid, waxa ay ku sheegaan internetka maahan xaqiiqo"

Karim Benzema ayaa ka hadlay shir jaraa’id oo ay soo qaban qaabisay majaladda Marca, halkaasoo uu ku guddoomay abaal-marinta ‘Marca Legend’, wuxuuna ka hadlay waayihiisii Real Madrid, wuxuuna su’aalo badan ka waayay mustaqbalkiisa.
Waxaa jiray hadal heyn badan oo ku saabsan in Karim Benzema uu waqtigiisa ka dhamaaday Real Madrid iyo in kale. Waxaa jiray warar la isla dhex marayay oo ku saabsan yabooh aad u weyn oo ka yimid Sacuudiga, waxaana dhowr xarumood lagu sheegay in shirkan jaraa’id uu noqon doono halka uu kaga dhawaaqay bixitaankiisa. Si kastaba ha ahaatee fariintiisu waxay ahayd mid aad u yar.
Benzema oo masraxa kula hadlayay Marca ayaa dib u xasuusiyay waayihiisii kooxda reer Spain oo uu sanadkii 2009 ka yimid Olympique Lyonnais wuxuuna yidhi: “Waxaan ahaa ilmo yar markii aan imid Real Madrid, kaliya waxaan doonayay inaan ku raaxaysto oo aan wax walba eego. waan guuleystay,” ayuu yiri.
“Ma jirto koox kale oo la mid ah Real Madrid, magacyadii ugu waaweynaa ee ciyaarahan ayaa halkan ku ciyaaray” ayuu raaciyay. Benzema ayaa kooxda reer Spain kula guulaystay 4 koob oo La Liga ah iyo 3 koob oo ‘Copa Del Rey’ ah iyo sidoo kale 4 champions League oo xiriir ah isaga oo sanadkii hore ku daray koobkii 5-aad. Intii u dhaxaysay Spanish Super Cups, UEFA Super Cups iyo Club World Cups, xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa sidoo kale ku daray 12 koob oo kale intii uu ku sugnaa Spain.
Ka dib waxaa su’aalo dhowr ah weydiiyey carruurtii madasha shirka jaraa’id ku sugneyd, kuwaas oo mid ka mid ah uu ku dhiiraday inuu mustaqbalkiisa wax ka weydiiyo. Markii hore waxa uu si qarsoodi ah ugu jawaabay, "Haddii aan sii joogayo? Waxaan ka fekerayaa kaliya Axadda (ciyaaraha ugu dambeeya ee La Liga)".
Laakiin waxa uu raaciyay ka dib, "Ka jawaab su'aalaha ku saabsan mustaqbalkayga? Mustaqbalkee? Waxaan halkan joogaa Real Madrid, waxa ay ku sheegaan internetka maahan xaqiiqo".
Inkasta oo uu u muuqday in uu dafiray wararka xanta ah ee sheegaya in uu baxayo, haddana wax hadal ah oo la taaban karo kamuu soo bixin oo ku saabsan in uu heshiiska u cusbooneysiiyay kooxda, sidaas darteed ma cadda ilaa iyo inta ay Madrid awood u yeelan doonto in ay ka dagaalanto dalabyada malaayiinka dollar ah ee uu Benzema uga imanayo Sucuudiga.